Saturday, July 12, 2025

Wasiirka Qorsheynta oo Qoraal ku weeraray Xildhibaanka UK ee gudbiyey Mooshinka Somaliland

Qof si sharaf dhac ah looga ceyriyay dowladdiisa iinuu faafiyey xogta Amniga Qaranka ma aha inuu ka ganacsado faragelinta arrimaha gudaha Qaran kale.

Wasiirka Qorsheynta xukuumadda Federaalka ayaa si kulul u weeraray xildhibaanka Ingiriiska ah ee Mooshinka Aqoonsiga Somaliland geeyay Baarlamaanka dalkaasi Gavin Williamson.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa jawaab celin ka daba qoray xildhibaan Gavin Williamson oo isaguna u jawaabay wasiirka Afrika u qaabilsan Ingiriiska Vicky Ford, isagoo diidan go’aanka ay shaacisay ee dowladd Ingiriiska.

Wasiirada Vicky ayaa qoraal ay soo saartay xalay ku sheegtay in mowqifka dowladda Ingiriiska uu yahay in Somaliland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya ay ka wadahadlaan aayahooda mustaqbalka.

Gavin Willaiams oo u ololeeya gooni isu taagga Somaliland ayaa wasiirada ugu jawaabay: “Tani waxay muujinaysaa faham la’aanta buuxda ee xaqiiqada siyaasadeed ee ka jirta goobta. Waa muhiim in wasiirada juunyarka ah ay dhageystaan Baarlamaanka maadaama ay tahay doorka baarlamaanka in uu hago siyaasadda. Shalay waxay doodu muujisay inuu jiro faham ballaaran oo dawladda UK ku doonayso inay aqoonsato Somaliland”

Jawaab kale oo culus ayaa ka timid qoraalkaasi. Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Soomaaliya ayaa isna u jawaabay Gavin Williamson, wuxuna qoralkiisa ku yiri: “Maya, tani waxay dhab ahaantii muujinaysaa jaahilnimadaada buuxda ee xaalada dhulka ka jirta. Qof si sharaf dhac leh looga ceyriyay dowladdiisa sababo la xiriira faafinta xogta amniga qaranka ma aha inuu faragelin ganacsi uu ku sameeyo arrimaha gudaha ee Qaran madax-bannaan. In la taageero gooni-u-goosadka waxay dhibaato u kordhineysaa dhaawaca”.

Xildhibaanka Ingiriiska ee Gavin ayaa laba jeer oo hore xilal wasiir looga qaaday khilaaf iyo arrimo lagu soo eedeeyay, waxaana ka mid ahaa xilkii ugu horeeyay ee uu ka qabto xukuumadda Britian ee wasiirka Difaaca inay ka qaaday Ra’isul wasaaradii hore ee herasa May sanadkii 2019-kii kadib markii lagu eedeeyay in uu saxaafadda u dusiyay sir A,mniga Qaranka UK oo ku saabsan Barnaamijka 5G ee isgaarsiinta UK inay ku lug lahayd shirkadda Shiineeska ah ee Huwawei.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON