Tuesday, July 1, 2025

Muuse Suudi: “Madaxtooyada markii ay fiyoobaayeen ma tegin, hadda oo ay dhaceenna waxba kama rabo..”

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa beeniyay warar dhowaanahan looga faafiyey baraha bulshada oo ku saabsanaa inuu la heshiiyey Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu tegay madaxtooyada, isagoo yiri: “Waxaasi waxba kama jiraan. Intii ay fiyoobaayeen ma tegin Madaxtooyada, hadda oo ay dhaceenna agtooda wax aan ka rabo ma jiraan..mana la iga filan karo taasi”.

Senator Muuse Suudi wuxuu sheegay in warar bvadan looga faafiyey Facebook, sida inuu xanuunsan yahay ama uu dhintay, si loo jahawareeriyo taagerayaashiisa.

“Nin ayaa iska jooga Villada hal sano, kana hadli maayaan.. ma iyagaa raba hadii uu waqtiga ka dhammaado inay sidiisoo kale isaga fadhiyaan..? Waan ku jahawareeyay Musharixiinta. Ra’iisal wasaaraha howshii loo idmay ma hayo damac darajo iyo damac hunguri ayaa galay, inuu meesha iska joogo inuu rab ayaa ka dareennay.. ” ayuu yiri Muuse Suudi oo ka hadlay kaalinta Midowga Musharixiinta iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Isagoo wareysi siiyey Idaacadda KNN ee Muqdisho ayuu la hadlay Midowga Musharixiinta: “Nimankaan Madasha waxaan leeyahay nin madax ah ah oo ay ka cabsadana meesha ma joogo. ayaga ayuu la mid yahay, doorashada waa inay iska saxaan oo ay socoto, si dalkan abaarta iyo dhibaatooyinka kale ku jira loogu soo jeesto”.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON