Madaxweynaha Soomaaliya ee xilka sii haya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u dhoofay maanta magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.
Socdaalka Xasan Sheekh iyo wafdiga la socda aya la sheegay inuu ku saabsan yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo Addis ka furmi doona, iyadoo looga hadlayo arrimaha Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya.
Waa safarkii saddexaad oo muddo ka yar 40 casho uu Xasan Sheekh ku tago dalka Itoobiya, waxaana safarradii hore oo qarsoodi ahaa lagu sheegay in looga hadlayay arrimaha Doorashada Soomaaliya.
Xogta laga helayo Madaxtooyada ayaa sheegaya Itoobiya ayaa taageersan tahay musharaxnimada Xasan Sheekh Maxamuud. Dhowaan waxaa Addis looga yeeray musharixiin ay ka mid yihiin Shariif Xasan, Cumar C/rashiid iyo madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe.
Goobjooge.com