Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho maqribnimadii caawa kadib markii uu socdaal rasmi ah ku tegay dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Farmaajo ayaa koox yar oo madaxtooyada ka tirsan ay ku soo dhoweysay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, isla markaana u gudbay xarunta Madaxtooyada.
Warar xogogaal ah aya sheegaya in Imaaraadka uu dowladda Soomaaliya u balanqaaday lacag 15 Milyan oo doolar ah oo lagu kabayo miisaaniyadda dowladda bil kasta, taasoo qeyb ka mida lagu bixinayo mushaarka ciidamada.
Dhinaca kale Imaaradka aya abaaraha Soomaaliya ku bixinaya lacag dhan 100 Milyan oo Dirham taasoo ololaheeda ay Bisha Cas ee dalkaasi bilowday.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo qoraal uu qoray wasiirka wasaaradda Yuusuf Garaad ayaa lagu sheegay in labada dal ay isku af garteen in midnimada Soomaaliya iyo dhulkeeda ay lama taabtaan yihiin.
Ma jiro war-murtiyeed wadajir ah oo soo baxay, isla markaana ma jiro war rasmi ah oo ilaa iminka kasoo baxay dhinaca Imaaraadka Carabta iyadoo aan la soo hadal qaadin heshiisyada Imaaraadka la galay maamul goboleedyada.