Iyadoo guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka uu xildhibaannada Berri oo Sabti ah isugu yeeray kulan uu Madaxweynaha Warbixin ka jeedin doono ayaa hadal heyn badan ka dhalatay qorshaha uu damacsan yahay Madaxweyne Farmaajo.
Fadhiga ayaa waxa dalbaday Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana la sheegay inuu Golaha Baarlamaanka oo uu ka maqan yahay Aqalka sare siin doono warbixin ku saabsan xaalada Doorashada ee la isku khilaafsan yahay, kana codsan doono taageero.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in Madaxweynaha uu hore u ballanqaaday inuu warbixin ka siinayo Baarlamaanka xaaladda Doorashada dalka.
“Waa tii uu madaxweynaha horay u ballan qaaday in marka uu soo laabto baarlamaanka warbixin siin doona, waxayna ku saleysan tahay xaaladda doorashada dalka “ayuu yiri guddoomiye Mursal oo ay soo xigatay BBC-da.

Lama oga madaxweynaha inuu Baarlamaanka ka codsan doono inay taageeraan doorasho wadar ogol ah iyo waxa kasoo baxa shirka saddexaad ee Dhuusamareeb iyo inuu ku taageeri doono Doorasho Qof iyo Cod ah oo salka ku heysa muddo kororsi, waxaase la xaqiijiyey inuu Madaxweyne Farmaajo Muddo kororsi taageero uga waayey madaxda Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka.