Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka baaqsaday xafladdii xuska maalinta Booliska Soomaaliyeed oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.
Xafladda oo si weyn loogu diyaar garoobay, isla markaana wasaaradda Amniga ay xirtay wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda ayaa la filayey inuu ka qeyb galo madaxweyne Farmaajo oo hore u dalbaday in maanta oo Sabti ah laga dhigo halkii la qaban lahaa Jimcaha oo ay ku beegneyd 20-ka Disembar.
Wararka laga helayo Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu xafladda ka baaqsaday saacadihii ugu danbeeyay, kadib markii la-taliyeyaasha ay sidaasi u soo jeediyeen, waxaana ciidamada madaxtooyada ay ku sugnaayeen Garoonka Eng. Yariisow, iyagoo sugi lahaa amniga madaxweynaha. Waxaana sidoo kale ka baaqday Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo aan qorshaha ugu jirin ka qeybgalka xafladda, balse rago laga qabay inuu buuxiyo booska Madaxweynaha markii xilli danbe lagu wargeliyey go’aanka Madaxweynaha.
Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamud Abuukar Islow ayaa dowladda ku metelay xafladda, waxaana si weyn loo hadal hayaa xaaladda Madaxweynaha oo muddooyinkii ugu danbeeyay diidanaa qaabilaadaha qaarkood.