Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan ugu yeeray xildhibaannada kasoo jeeda Beesha Hawiye, kadib markii ay u dhammaatay muddo 30 maalmood ah oo ay ahayd inuu kusoo magacaabo Ra’iisal wasaare cusub.
Farriinta madaxweyne Farmaajo ka timid ayaa loo kala diray xildhibaanadda Beesha Hawiye, waxaana madaxweynaha uu la xiriiray Guddiga ay leeyihiin xildhibaannadan oo iyaguna farriinta kulanka gaarsiisay xildhibananada kale.
Farriinta loo diray xildhibaannada ayaa u qorneyd sidatan: “Madaxweynaha JFS ayaa soo dalbaday xildhibaanada HAWIYE maalinta Khamiista habeenka jimcuhu soo galaayo oo taariikhdu tahay 27/08/2020 8:00 Fiidnimo inay isugu yimaadaan xarunta madaxtooyada villa somaliya.NB. Xildhibaan waqtiga ilaali oo gaarsii sxbadaa..”
Arrintan ayaa ka danbeysay kulamo kala gaara oo madaxweynuhu la yeeshay musharixiin iyo xildhibaanno kala wata, waxaana la sheegay in Madaxweynaha ay arrintan ka tahay inuu waqtiga ku sii dheereeyo iyadoo la aamisan yahay inuu xushay qofkii uu xilka u magacaabi lahaa.

Shirar la-tashiyo xildhibaanno beeleed oo xilligan Madaxweyne Farmaajo bilaabo ayaa xaaladda ka dhigeysa mid cakiran oo kusii socota inuu dalku ahaado Ra’iisal wasaare la’aan iyo xukuumad rasmi ah bishii labaad.