Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in koox hubeysan ay dil ka geysatay magaalada.
Dabley Bistoolado ku hubeysan ayaa la sheegay inay caawa ku dishay xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne nabadoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Mustaf Maxamed Dhicisoow
Falka dilka ayaa ka dhacay Laanta suuqa xoolaha ee xaafada Howlwadaag, Magaalada Beledweyne. Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana dilka ka dib goobta soo gaaray Ciidanka ammaanka.
Nabadoonka Allaha u naxariistee ayaa ka mid ahaa ergadii soo xushay xildhinaabada Baarlamaanka ee lagu doortay magaalada Jowhar.
Goobjooge.com