Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa noqday wasiirka iyo mas’uulka koowaad ee ugu adeegsiga badan baraha bulshada ku xiriirto.
Wasiir Beyle oo tan iyo intii uu xilka qabtay maalin waliba warbaahinta bulshada soo dhigayay sawirro iyo qoraallo ka tarjumaya shaqada uu hayo xaaladda uu ku sugan yahay ayaa boos ka riixday wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad oo caan ku ahaa baraha bulshada.
Wasiirka Maaliyadda wuxuu ugu badbaan adeegsadaa twitter-ka halka Yuusuf Garaad uu adeegsado ama caan ku yahay Facebook iyo Blog uu leeyahay. Inkastoo Yuusuf Garaad weli sii wado inuu qormooyin la wadaago dadka oo aanu weli ka tanaasulin shaqadii saxafinimo, waxaana hadda si aan hore loo arag uga dheereeyay Wasiirka C/raxmaan Beyle.
Muddo laba toddobaad waxyar ka badan oo uu xafiiska joogay wasiir Beyle wuxuu baraha bulshada ku baahiyay qoraaladii iyo sawirradii ugu badnaa isagoo baahiyay tallaabo kasta iyo shaqo kasta oo uu qabto, taasoo ka dhigtay wasiirka koowaad ee Warbaahinta Bulshada.
Dowladda Farmaajo ayaa lagu tilmaamaa inay tahay dowlad Facebook lagu dhisay, marka laga eego taageerada ay ku lahayd baraha bulshada, laakiin waxaa si weyn dib ugu gurtay madaxweynaha iyo taageerayaashiisa iyadoo ay soo buuxiyeen wasiirada xilalka loo dhiibay.
Goobjooge.com