Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay halkaasi ku dhaawaceen nabadoon caan ah.
Nabadoonka ayaa lagu magacaabaa Muuse Xaaji Faarax, isagoo ka mida nabadoonada ugu waaweyn obolka Bari, waxaana weerar ku qaaday koox bistoolado ku hubeysan xilli uu ku sugnaa Goob u dhow Hotelka Yaasmiin ee Bartamaha Boosaaso.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dhaawaca Nabadoonka oo ah mid culus la dhigay Isbitaalka weyn ee Magaalada Boosaaso.
Dableyda falka geystay ayaa ka baxsaday goobta , waxaana halkaasi gaaray ciidamo fara badan oo kuwa ammaanka ah.
Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka dhacay falal lagu khaarijinayo saraakiisha iyo dadka bulshada magaca ku leh, waxaana sheegtay kooxda Alshabaab.
Goobjooge.com