Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in koox dabley ah oo hubeysan ay caawa magaalada Gaalkacyo ku dishay nabadoon caan ahaa, kana tirsanaa mas’uuliyiinta waaxyaha magaalada Gaalkacyo.
Dilka Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Nuur (Gees diir) ayaa ka dhacay bartamaha Magaalada Galkacayo, waxaana geystay koox hubeysan oo goobta ka baxsatay, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Nabadoonka ayaa ka mid ahaa Odayaasha nabaddoonada Gobolka Mudug, wuxuuna sidoo kale ahaa guddoomiyaha Laanta Shanaad ee Garsoor, magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada Amniga magaalada Gaalkacyo ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, waxayna wadaan baaritaan la xiriira falkaasi.