Wararka Laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in caawa koox Dabley ah ay weerar ku qaadeen Nabadoon ka mida odayaasha dhaqanka maamulka Jubbaland, iyadoo xaaladiisa warar kala duwan kasoo baxayaan.
magaalada.
Nabadoonka la dhaawacay ayaa lagu magacaabaa C/rashiid Suldaan Muuse Shire (Suldaan Durre), kaasoo ah Suldaanka Beesha Samaale, waxaana la sheegay in dhaawac culus uu soo gaaray nabadoonka xilli uu salaad kasoo baxay, iyadoo loola cararray isbitaal, waxaana baxsaday dableydii falkaasi geysatay..
Weerarka ayaa ka dhacay Xaafadda Calanleey, gaar ahaan via Afmadow , iyadoo falkaasi kadib ay halkaasi gaareen Ciidamada amniga magaalada Kismaayo oo baaritaan halkaasi ka fuliyey,
Xaaladda Nabadoonka ayaa laga deyrinayaa, wuxuuna falkan imaanayaa iyadoo lagu jiro ololaha Doorashada maamulka Jubbaland, waxaana shaki badan hareeyay nidaamka doorashada iyo halis ku wajahan Nabaddoonada ka horjeeda Axmed Madoobe.