Wednesday, June 25, 2025

Nabadoon Xaad: “Farmaajo iyo Fahad waxay dadka ka fikir duwan ugu qoran yihiin DIL iyo Afduub…”

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa ka hadlay xaaladda gabadha maqan ee ka tirsaneyd Hay’adda NISA Ikraan Tahliil Faarax, isagoo eedeyn kulul u jeediyey Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday Maxamed Farmaajo iyo kooxda la shaqeysa ee uu ka mid yahay Agaasimaha NISA.

Nabaddoonka ayaa sheegay in Maxamed Farmaajo iyo Taliyaha Nabadsugidda ay musiibo ku yihiin Dalka iyo Doorashada, isla markaana ay dalkan ka wadaan falal aan laga aqoon dalka oo ah kuwii argagixisada, sida dadka la afduubto, lana laayo.

Wuxuu ku baaqay in ehelka Ikraan ay ku dhaqaaqaan tallaabooyin cadcad, sida in loo bannaanbaxo oo laga hor yimaado, si looga hortago falalkan ay suuragal tahay in dad badan kusoo socoto.

“Farmaajo dalka iyo Doorashada iyo Dowladnimada wuxuu ku yahay waa musiibo, ninka isku sheega Taliyaha NISA waa musiibo… inta labadaasi joogaan dowladnimada Soomaaliya rajo badan ma laha.. kuwii kala shaqeynaayey Amniga ayaa maalin waliba la dilayaa oo la afduubayaa..” ayuu yiri Nabaddoon Xaad oo ka deyriyay hab dhaqanka madaxtooyada iyo Hay’adda NISA.

Wuxuu sheegay in dad badan oo ka mid ahaa saakiisha Amniga la dilay oo meydadkooda la helay, sida Muumina C/raxmaan Xaayow, oo uu sheegay in loo dilay sir ay gudbisay nin ka mida musharixiinta oo la rabay in la dilo, sida uu yiri.

“Wixii iyaga ka feker duwan waxay ugu qoran yihiin Dil.. kuwaas haddii ay dalka xukumayaan oo Madaxtooyada ku jiraan oo hay’adii NISA maamulayaan.. waa wax lala aabo, dalkan waxay u wadaan inuu liiska madow galo” ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

Wuxuu sheegay in dhibaatadda ay dalka u geysteen Farmaajo iyo Fhad aan la xalin karin 10 sano oo soo socota, sunta ay ka tegayaan ay tahay in hadda laga hortago. “Farmaajo iyo Teamka la shaqeeya waxay dadka ka fikirka duwan ugu qoran yihiin dil, waana wax lala yaabo inuu hadda rabo in din loo doorto… aan iska qabano inta aysan Soomaaliya indha ka ridin..”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON