Sunday, July 13, 2025

Nabadoonkii labaad oo lagu dilay Degmada Baraawe & Alshabaab oo lagu eedeeyay

Wararka laga helayo magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay nabadoon caan ahaa.

Dabley hubeysan ayaa xalay ku dilay Degmada Baraawe Nabadoon caan ka ahaa halkaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamed Aadan oo ku magac dheer (Caamir Muuse). Dableyda ayaa dilka kadib goobta ka baxsatay.

Wararka ayaa sheegaya in Nabadoonka in gurigiisa ay ku weerarreen dableyda oo Bistoolado ku hubeysnaa, halkaasoo ay kala baxeen kadibna ku duleen duleedka gurigiisa.

Maamulka Degmada Baraawe ayaa dilka nabadoonka ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Alsahbaab, iyagoo ka yimid duleedka magaalada, wuxuna nabadoonkan noqonayaa kii labaad ee Baraawe lagu dilo bil gudaheed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON