Wednesday, June 25, 2025

Nabadoonkii saddexaad oo Muqdisho lagu dilay muddo 72 Saacadood gudahood ah

Kooxo hubeysan ayaa ugaaskii nabadoonkii saddexaad oo wax kasoo doortay Baarlamaanka Soomaaliya ku toogtay xaaladda laba-dhagax ee magaalada Muqdisho.

Ugaas Cabdi Dhoore oo ka mid ahaa Odayaasha dhaqanka ee Maamulka Galmudug ayaa galabta lagu dilay xaafadda Laba-dhagax ee degmada Wardhiigley, waxaana dilka geystay dabley bistoolado ku hubeysan.

Ugaaska ayaa dhaawac culus ku noqday, iyadoo ay baxsadeen dableydii dilka ay goobta ka baxsatay. Waxaana uu dhintay intii loo waday isbitaalka sida ay xaqiijiyeen dadka degaankaasi.

Shalay ayaa degmada Hodan lagu dilay Sayid Cali Cismaan Abtidoon oo ka mid ahaa Ergadii Galmudug Xildhibaanada ku soo dooratay, iyadoo maalintii ka horeysay degmada Waaberi lagu dilay Ugaas C/qaadir Sheekh Xuseen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON