Qoys ka kooban aabe iyo 4 kamida caruurtiisa ayaa ku sumoobay Daawo Dhireed ay cabeen, waxaana faahfahin dheeraad ah kasoo baxeysaa xaalada qoyskaasi dhibaatadu ku habsatay.
Aabe iyo afar caruur ah ayaa ku geeriyootay kadib markii ay cabeen Daawo dhireed laga sameeyay caleen, taasoo uu iibin jiray aabaha, waxaana xalay afarta qof ee halka qoys ka kooban isbitaalka geeyay Aamin Ambulance oo sheegtay inay nasiib darro ay geeriyoodeen dhammaantood.
Arrintan oo naxdin weyn ku noqotay dadka ayaa ka dhacday dhacday Xaafadda Tawakal ee Degmada Yaaqshiid. Dadka degaanka ayaa xaqiijiyey in Aabaha uu ahaa dadka iibiya waxbaayaha Daawo Dhireedka, iyadoo uu qoyska u keeni jiray si ay Daawo ahaan ugu isticmaalaan, balse ay musiibadan xalay ku habsatay qoyskasi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Aabaha Qoyskan oo lagu Magacaabo Jeelle Xaashi Iimaan iyo Wwil uu dhalay la cararay Isbitaalka Daaru Salaam ay xaaladoodu liidato balse ay geeriyoodeen saddex caruur ah.
Caruuta geeriyootay ayaa kala ahaa laba gabdhood iyo Hal wiil oo dad’aadu la sheegay 9 Jir ilaa 15 Sano Jir. axaa qoyska ka badbaday hooyada oo la sheegay inay iska diiday Cabista Caleenta sumeysan ee keentay inay dhintaan qoyska intiisa kale.