Monday, June 23, 2025

Nicholas Haysom oo Maanta xaaladda Somalia warbixin ka siinaya Golaha Ammaanka Q/Midoobay

Golaha Amniga Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan gaara ka yeelanaya arrimaha Somalia, iyadoo warbixin saddex biloodle ah uu xaaladda Soomaaliya u jeedin doono Golaha wakiilka Xoghayaha guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Kulankan ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii ay dolwadda Somalia soo saartay go’aan ay ku caddeysay inaysan la shaqeyn karin wakiilka Q/Midooobay Nicholas Haysom, ayna dalbatay inuu dalka isaga baxo, waxayna wararku sheegayaan inuu golaha Amniga u sharxi doono wixii dhex maray madaxda dowladda Somalia.

Warbixinta  Wakiilkii Qaramada Midoobey ayaa  si gaara loogu eegi doonaa xaaladaha arrimaha siyaasadda, Amniga iyo xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya, iyadoo uu faahfaahin ka bixin doono shaqaaqooyinkii magaalada Baydhabo ee keenay inay isku dhacaan dowladda Somalia iyo wakiilka Q/Midoobay.

Ad

Dhinaca kale Q/Midoobay ayaa baaritaan ku sameyneysa arrimihii keenay in dowladda Somalia ay la shaqeyn weydo, ayna dalbato inuu dalkeeda ka baxo wakiilkii xoghayaha guud ee Q/Midoobay Nicholas Haysom.

Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Farhan Haq ayaa saxaafadda u sheegay inay dib u eegi doonaan si qoto dheer loo eego sababihii ka danbeeyay ieryida wakiilka, wuxuuna dhaliilay qabka loo maray shaqa ka ceyrinta Hysom.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON