Qorshihii Ahlu suna ku dooneysay inay Baarlamaan u dhisto Galmudug ayaa fashil ku dhow, kadib markii ay diideen inay Baarlamaankaasi ka mid noqdaan 20-ka xildhibaannada ee ay soo xushay, kana tirsan Baarlamaanka Galmudug.
20-kii xildhibaan ee ay soo xuleen Ahlu suna ayaa ka baaqsaday kulan maanta ka dhacay Xarunta INJ ee Ahlu suna ku soo bandhigay 69 xubnood oo ay sheegtay inay yihiin xildhibaanada Galmudug, kuwaasoo intooda badan ay ka tirsan yihiin xildhibaanadii Ahlu suna ee lagu biiriyey Baarlamaankii koowaad ee Galmudug, kadib heshiiskii Jabuuti ee Madaxweyne Xaaf iyo Ahlu suna, waxayna sheegeen inay doorteen guddoomiye KMG ah.
Dhinaca kale ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Dhuusamareen ayaa xabsi guri geliyey nin la sheegay inay Ahlu suna u diyaarisay inuu noqdo guddoomiyaha Baarlamaankeeda ee rasmiga ah oo ay isku heyb yihiin Guddoomiyaha dhowaan la doortay ee Maxamed Nur Gacal iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyee, kaasoo lagu magacaabo Sheekh Cumar Mahad-Alla, iyadoo loo diiday inuu wax dhaqdhaqaaq ah sameeyo.
Qorshaha Ahlu suna ay ku dooneyso inay Dhuusamareeb ka higeliso Baarlamaan iyo Doorasho barbar socota Baarlamaanka Galmudug ee sida rasmiga ah loo dhisay ayaa hadda wajaheysa dhibaato adag iyadoo ujeedkeedu ahaa inay qas siyaasadeed ka abuurto magaalada Dhuusamareeb.
Lama oga tallaabada xigta ee Ahlu suna qaadi doono iyo inay tallaabo milateri qaadi doonto, iyadoo xarumaha Ahlu suna ee Dhuusamareeb ay ku wareegsan yihiin ciidamada dowladda ee halkaasi la geeyay.