Monday, July 14, 2025

Nin ka soo jeeda Iiraan oo ka danbeeyay Weerarkii Munich & Qasaaraha

Booliska Jarmalka ee magaalada Munich ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday xarunta Ganacsiga ee Olympia shopping mall

uu ka dambeeyay nin 18 sano jir ah oo asalkiisu soo jeedo dalka Iiraan, kuna noolaa magaalada in muddo 2 sano ah isagoo keligiis ah.

10 qof oo uu ku jiro ninka weerarka qaaday ayaa ku dhintay weerarkaasi iyadoo uu saameyn ku yeeshay magaalada oo dhan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu is dilay.

Ma cadda sababta ku kaliftay falka uu qaaday ninkan, mana jiraan faahfaahino badan oo ku saabsan weerarka, waxaana xaalada dhacdadani keenay inay magaalada Munich la geeyo ciidamo Boolis ah oo ka badan 2300 askari.

Dadka dhintay waxaa ku jira caruur, waxaana ku dhaawacmay 16 ruux oo saddex ka mida xaaladoodu liidato sida uu sheegay taliyaha Booliska Hubertus Andrae.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON