Nin Kenyan ah oo lagu dilay Magaalada Boosaaso & War laga soo saaray

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay nin ajnabi ah oo kasoo jeeda dalka Kenya.

Taliska Booliska gobolka Bari ayaa sheegay inuu dilka geystay askari ka tirsan ciidamada Puntland, kaasoo la xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay askarigii ka danbeeyay dilkaasi.

Dilka ninka magaalada Boosaaso ku dilay nin ajnabiya oo u dhashay waddanka Kenya kadib markii muran soo kala dhexgalay.

Ad

Askariga ayaa sida la sheegay inuu ilaalo u ahaa ninka uu dilay oo ka shaqeynayay shirkad Kalluumeysi oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kadibna uu muran dhex maray.

Ciidamadda Amniga ee Magaalada Boosaso ayaa Gacanta ku soo dhigay Ninkii ka danbeeyay dilka muwaadinkii u dhashay dalka Kenya ee Saaka lagu dilay Magaalada Boosaso” ayaa lagu yiri qoraa ka soo baxay taliska Booliiska gobolka Bari.

Dilkan ayaa ka danbeeyay Qarax maanta ka dhacay aga’gaarka hotel Boosaaso oo lala eegtay gaari ay wateen askar ka tirsan ciidamada dowladda Puntland.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

127,908FansLike
1,135FollowersFollow
3,317FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!