Monday, June 23, 2025

Nin ku lebistay Dharka Dumarka oo lagu qabtay Xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho..

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada Booliiska ayy degmada kaaraan ee Gobalka Banaadir ku qabteen nin ku lebistay Dharka Dumarka oo laga shakiyey.

Ninkan oo dadka degaanka ay ka shakiyeen ayaa ku wargeliyay ciidamada xilli uu dhex marayey Xaafadda Godey ee degmada Karaan. Wuxuunas heegay mas’uul ka tirsan maamulka degmada Kaaraan in ninka la soo qabtay lagu wareejiyay Hey’adda dambi baarista Booliiska Soomaaliya ee CID oo baaritaan ku heysa.

Ninka la qabtay ayaa xirnaa Xijaab Madow ah, Cabaayad Madow iyo Indha Shareer, ayaa waxaa shaki ka muujiyay dadka deegaanka, iyagoo durba la xiriiray laamaha amaanka, kuwaasoo marka ay gaareen goobta gacanta ku dhigay ninka dumarka isu ekeysiiyay.

Ad

Wararka ayaa sheegaya in ninkan looga shakisan yahay inuu inuu katirsan yahay kooxaha Al-shabaab ama Daacish oo uu sahan ahaa, waxaana hore Muqdisho loogu qabtay tag dharka haweenka adeegsada oo muddooyinkii danbe yaraaday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON