Saturday, July 19, 2025

Nin la dhashay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Somaliya oo lagu dilay Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dabley hubeysan ay Wiil dhalinyaro ah maanta ku dileen degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho.

Wiilka dhalinyarrada oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cumar Abshirow, ayaa lagu weerarray xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkeynley, waxaana wararku sheegayaan inay dilkiisa ka danbeeyeen koox burcad ah.

Marxuum C/raxmaan Cumar Abshirow ayaa la dhashay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka, wuxuuna kamid ahaa Dhlinyarada kunool Magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiin kala duwan ayaa tacsi u diray Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka C/llaahi Cumar Abshirow.

Ciidamada Amniga ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, waxayna ka qaadeen meydka Wiilka la dilay, waxaase baxsaday raggii dilka geystay.

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka marxuum Cabdiraxmaan Cumar Abshirow, waxayna sheegeen inuu ka mid ahaa ergadii xildhibaannada baarlamaanka soo dooratay iyo howl wadeennada baarlamaanka dowladda Federaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON