Sunday, July 13, 2025

Nin la dhashay Wasiirad ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo loo doortay Senator Aqalka Sare

Waxaa magaalada Baydhaba lagu soo gabagabeeyay Doorashada saddex kursi oo ka tirsan Aqalka Sare ee B aarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kursiga Sadddexaad waxaa ku tartamay musharixiinta kala ah: Cabdiweli Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo C/llaahi Roobow Maxamed, waxaana ku guuleystay C/weli Xaabsade oo helay 68 cod, halka musharax C/llaahi Roobow Maxamed uu helay 18 Cod.

Kursigan ayaa saameeyay beesha leh, Waxaana meesha ka baxay kursigii Wasiiradii Haweenka iyo Xuquuqda Insaanka xukuumadda Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibrahim Xaabsade oo ahayd xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, iyadoo uu hadda kursiga la wareegay walaalkeed o hordhac u qaatay kursi ka tirsan Aqalka Sare.

Kursigii labaad waxa kusoo baxay Cali Sheekh Maxamuud Gacal isagoo helay 68 cod halka musharaxaii la tartamayay uu helay 22 cod.

Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji ayaa sidoo noqday senaor ka tirsan Aqalka Sare ee Barlamaanka 11aad ee dalka. Wasiirka ayaa helay 74 Cod , halka musharaxa la tartamayay ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi uu helay 14 cod.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON