Thursday, June 26, 2025

Nin Is-miidaamiye ahaa oo isku qarxiyay Xerada Milateriga Warshadda Nacnaca & Sarakiil lagu dilay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarax is miidaamin ahaa oo qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ka geystay xerada ciidamada Warashadii Nacnaca ee duleedka Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu is-miidaamiyaha dhex galay xerada isagoo is qarxiyay waxaana goobta ka dhacay qasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh, kaasoo soo gaaray ciidamada iyo saraakiisha xerada ku sugnaa.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay qaraxa ku dhinteen  saraakiil magacydooda lagu sheegay: G/Dhexe Abuukar Dheere, Laba xiddigle Macalin C/kariin iyo kuwo kale.

Ninkan qaraxa geystay ayaan laga shakin, isagoo ku lebisnaa dareyska ciidamada milateriga Soomaaliya. Waxaa socda gurmadka loogu jiro xerada qaraxa ka dhacay.

Sarakiisha lagu dilay qaraxa ayaa la sheegay inay gaarayaan 3, iyadoo lix kale ay dhaawacmeen, waxaana xerada ka socday shir ay leeyihiin saraakiisha cidiamada.

La soco faahfaahinta…

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON