Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay Caawa toogasho ku dilen Oday waayeel ah.
Dilka ayaa ka dhacay kadib saladii Cisha kadib agagaarka iskuulka Dhagaxtuur ee u dhow Isgoyska Dabka, waxayna dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ninkan Odayga ee la toogtay uu fadhiyay maqaayad yar oo ku taalla wadada dhinaceeda iyagoo goobta ka baxsaday markii ay dilkaasi fuliyeen.
Odayga la dilay ayaa da’diisu lagu sheegay inay ku dhowdahay 70 sano jir, waxayna wararku sheegayaan inuu ka mid ahaa ergadii xildhibaanada Baarlamaanka kusoo dooratay Magaalada Baydhabo ee maamulka K/Galbeed.
Goobta dilka ka dhacay ayaa waxaa ku dhow bar ay leeyihiin ciidamada amniga caasimadda, iyagoo aan wax tallaabo ah qaadina, waxaana markii dambe goobta gaaray Maamulka degmada Howlwadaag oo meydka Marxuumka la dilay ka qaaday halkaasi.