Tuesday, June 24, 2025

Nin Toorey ku weeraray Rakaab Saarnaa Bas magaalo ku taalla waqooyiga Jarmalka [Sawirro]

Nin ayaa middi ku weeraray dad saarnaa bas, magaalada ku taalla waqooyiga Jarmalka ee Luebeck, isagoo dhaawacay 14 qof oo 2 ka mid ah ay aad u liitaan,ka hor intii aysan boolisku xirin.

Booliska Schelswig-Holstein ayaa sheegay in cidna aan lagu dilin shilkaas,waxayna xaqiijiyeen in ninkaas ay gacanta ku hayaan markii ay ka awood badiyeen ciidamada oo la xiray iyadoo baaritaan uu ku socdo.

“Qofka falka gaystay waxaa ka awood badiyey oo xiray booliska. Weli waxaan ku sugannahay goobta, halkaa ayaanan xaaladda ka soo tabinaynaa” ayuu boolisku ku qoray Twitter.

Wargayska Leubercker Nachrichten ayaa soo xigtay haweeneyda dacwad oogaha dawladda, Ulla Hingst, oo leh “ma jiraan wax la dhayalsan karo, xataa in ay arrintan argagixiso salka ku hayso”.

Ninka weerarka qaaday ayaa da’diisu lagu sheegay ’30 meeyo jir kasoo jeeda dalka Iiraan, iyadoo aan meesha laga saarin falku inuu ahaa mid argagixiso; waxayna soo xigteen qof goobjooge ah oo leh “mid ka mid ah dadka dhaawacu soo gaaray ayaa qof waayeel ah kursi uga kacay markii uu ninka weerarka qaaday xabadka middi kaga dhuftay”.

Bishii April ayaa nin gaari waday wuxuu kula dhex dhacay koox dad ah oo fadhiyey makhaayad dibadeeda, magaalada Jarmalka ku taalla ee Muester, halkaasoo uu laba qof ku dilay, ka hor intii uusan toogasho isku dillin.

The rampage took place in the northern German city of Luebeck as the bus (pictured) was making its way to the popular Travemuende beach destination

While neither the motive nor full identity of the perpetrator have been established, attorney general Ulla Hingst said this afternoon: 'Nothing can be ruled out, including a terrorist background'. Pictured: A victim is stretchered away from the scene

Terrified passengers were asked to board a replacement bus after the rampage while police and emergency services worked at the scene

Police quoted by national news agency DPA said there were no fatalities, and did not give a motive for the assault. Emergency crews are pictured working at the scene this afternoon

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON