Sunday, June 22, 2025

NISA: Khabiir Qaraxyada u qaabilsanaa kooxda Alshabaab oo gacanta lagu dhigay

Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay in Ciidamadeedaa ay qabteen xubin ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ee qaabilsan qaraxyada.

NISA ayaa sheegtay Ninkan lagu soo qabtay howlgal ka dhacay Ex-kontorool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho, isagoo aha xubin Al-Shabaab u qaabilsan qaraxyada, ujeedkuna ahaa sidii ay ugu hortagi lahaayeen Qaraxyada ay Al-Shabaab fuliyaan.

“Ciidanka Amniga ayaa maanta oo ku beegan 23-ka Octoobar, kasoo qabtay Ex-koontarool xubin ee Alshabab ah oo khabiir ku ah qaraxyada. Holwgalkaan wuxuu qeyb ka yahay dadaalada lagu sugayo amniga..” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Ad

Ma jirto faahfaahin kale  oo NISA ay bixisay iyadoo muddooyinkii ugu danbeeyay wararka NISA ee ku saabsan xubno la qabtay oo ka tirsan Alshabab ay sii kordheen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON