Hay’adda Nbadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay in ciidamada NISA ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay gacanta ku dhigeen koox ku shaqeysata lacag dhiqidda iyo Doolarka been abuurka ah.
Hay’adda NISA ayaa sheegtay in Ciidamada amaanka garoonka Adan Cade ee Muqdisho, ay gacanta ku dhigeen shabakadan oo ku shaqaysa fal-danbiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollarka been abuurka ah, waxaana sheegtay in gacanta lagu hayo laba qof oo kamida shabakadaas, laguna daba jiro qaar kale.
“Waxaa howlaha u sahlay, sida gudbinta garoonka,”Mudane ka tirsan golaha shacabka” Ee Baaralmaanka Federaalka”a yaa lagu yiri qoraal ay NISA soo saartay oo intaas ku daray in Galka baarista ee shabakadan iyo kiiskooda loo gudbinayo Hay’adaha Sharciga ee ku shaqada leh, si ay uga qaadaan talaabada ku haboon.