Tuesday, June 24, 2025

NISA oo kala dirtay Shir ay Muqdisho ku lahaayeen Beelo diidan Shirka Jowhar

Taliyaha ciidamada  Hay’add Nabad sugidda Soomaaliyeed ee NISA C/raxmaan Tuuryare ayaa ka hor tegay isla markaana joojiyay shir ay yeelan lahaayeen beelo ka horjeeda qaabka loo wado shirka maamul u sameynta gobollada Shabeelaha Hoose iyo Hiiraan.

Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen Beelo ka tirsan Abgaal ayaa ka dhici lahaa Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho, waxaana soo abaabulay waxgarad iyo siyaasiyiin qorshahoodu ahaa inay go’aan ka qaataan Shirka Jowhar.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka ka maqan ayaa la sheegay inuu amar ku siiyay taliyihiisa Nabadsugidda inuu kala diro shirkaasi, isla markaana ka hortago, taasoo keentay in Taliye Tuuryare iyo ciidamo uu wato ay tagaan hotelka oo shirkii kala eryaan.

Taliyaha iyo ciidamada NISA ayaa marar badan loo adeegsaday in lagu caburiyo laguna hor istaago dad kala duwan oo ka shiri lahaa aayahooda, waxayna tani qeyb ka tahay hab dhaqanka madaxweyne Xasan Sheekh ee awood ku maquuninta dadka.

Waxaa sii xoogeysanaya beelaha diidan damaca madaxweynaha iyo kooxdiisa ee ah in shirka Jowhar lagu dhiso maamul goboleed uu madax ka yahay shaqsi uu madaxweyne Xasan Sheekh ballan siyaasdeed kula jiro.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON