Friday, April 19, 2024

NISA oo shaacisay in Amarka Amiirka Alshabaab lagu dilay Madixii Amniyaadka ee Gobolka Banadir

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka NISA ayaa shaacisay inay amar kasoo baxay amiirka Alshabaab lagu dilay madixii Amniyaadka Alshabaab ee Gobolka Banaadir.

Qoraal kooban oo kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in xalay saqdii dhexe lagu dilay magaalada Bu’aale ee xarunta Gobolka Jubbada Dhexe Madaxii Amniyaadka Alshabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir Muuse Macalin oo loo yiqiin Mucaawiye.

“Saqdii dhexe ee xalay ayaa Bu’aale lagu dilay Muuse Macalin, oo horay isaga casilay madaxii Amniyaatka G-Banaadir ee Alshabab, sidoo kale waxaa Xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka G/Banaadir, Cumar Maxamed, iyadoo la fulinayey amarka Horjoogaha Maafiyada Alshabaab Axmed Diiriye…” ayaa lagu yiri qoraalk NISA oo daba joogay qoraallo ay dhowaanahan shaacineysay oo ku saabsan xaalad ka dhex jirta Alshabaab.

Ad

NISA ayaa bartamihii bishii Febraayo shaacisay in khilaafkii u dhaxeeyey labada garab ee Alshabaab uu sababay inuu is casilo madaxii Amniyaadka Gobolka Banaadir Muuse Macalin (Mucaawiye) oo ahaa 39 sano jir, kaasoo raacsan Garabka Mahad Karataay amiir ku xigeenka Alshabab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON