Monday, June 23, 2025

NISA oo shaacisay Xubno ka tirsan Alshabab oo lagu soo qabtay Howlgal ka dhacay Sh/Hoose

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA ayaa sheegtay in Ciidamada Amniga ay howlgal qorsheysan  ka fuliyeen  degaannada Sabiib iyo Caanoole ee Gobolka Sh/Hoose.

Howlgalka  ayaa la sheegay inuu ka dhacay xafiiska xisbada Al-shabaab ee degaanka Sabiid iyo Caanoole, iyadoo lagu soo qabtay laba xubnood oo al-shabaab ah, qalab walxaha qarxa ah iyo saanad ciidan.


“Howlgal qorsheysan oo ciidanka amnigu xalay ka fuliyay Xafiiska Xizbada Alshabab ee Sabiid Caanoole, ayaa lagu soo qabtay labo xubnood oo Alshabaab ah, walxaha qarxa iyo saanad.Muhiimadda koobaad ee ciidanka Amniga waa kahortaga Alshabab iyo badbaadinta shacabka”. ayaa lagu yiri qoraalka NISA”

NISA ayaa soo saarta warar ku saabsan xubno ka tirsan Alshabab oo lagu soo qabtay howlgallo ka dhacay degaano kala duwamn iyadoo aan bixin faahfaahin iyo caddeyn midna, taasoo sii adkeysay in la xaqiijiyo wararkaasi.


NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON