Saturday, July 19, 2025

NISA oo soo qabatay saddex nin oo loo heysto weeraradii iyo dilalkii ka dhacay Muqdisho

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka  ee NISA ayaa shaacisay in la soo qabtay saddex nin oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilal iyo weeraro maanta ka dahcay magaalada Muqdisho.

Hore ayay NISA u sheegtay in gaariga falka geystay lagu qabtay guri ku yaala xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, waxaana saddexda nin ee la qabtay loo heystaa inay ka danbeeyeen laba weerar oo maanta ka dhacay Muqdisho.

Saraakiisha NISA ayaa Warbaahinta  Muqdisho  u sheegay in Ciidamada NISA ay soo qabteen saddexda nin oo hadda baaritaan dheeraad ah lagu wado si loo xaqiijiyo kiiska ay ku lug yeesheen.

.

Weeraro is daba joog ah oo maanta Muqdisho ka dhacay ayaa lagu dilay laba qof iyadoo laba kale lagu dhaawacay, waxaana ka mida afhayeenkii maamulka Ximan iyo Xeeb iyo taliye xigeenkii hore ee NISA.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON