Ciidamada Nabadsugidda NISA ayaa xabsiga dhigay 9 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen qaraxii lagu xiray gaari ay leeyihiin ciidamada ilaalada UNDP oo saaka qarxay.
Dabagal lagu sameeyay falkan ayaa salka la galay garaashyo la geeyay Gaarigan oo ay lahaayeen ciidamo gaara oo ilaalo u ah UN-ka, gaar ahaan Hay’adda UNDP, waxaana laba garaash oo la tuhmay laga soo xiray 9 qof.
Dhinaca kale NISA ayaa la sheegtay inay la wareegtay laba garaash oo Gaariga qarxay la geeyay maalmihii ugu danbeeyay.
Qaraxa gaariga ayaa saaka ka dhacay bannaanka xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho kadib markii lagu xiray waxyaabo, waxaana dhaawac ka soo gaarya 4 askari oo ka mida ciidamada ilaalada.
Goobjooge.com