Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay saqdii dhexe kadib khudbad lasii duubay ka jeediyey fadhiga 76-aad Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Khudbadda Farmaajo ayaa inteeda badan ka hadleysay Saameynta Cudurka Covid-19, sida ay dowladda Soomaaliya wax uga qabatay iyo dhibaatadii laga dhaxlay, waxaa ku xigay isbedelka cimilada iyo saameynta dalka, wuxuu inyar ka tilmaamay Doorashada dalka, kadibna waxaa lagu soo xiray isla Covid-19.
“Waxaa hadda meel gabagabo ah noo maraya hannaanka qabashada doorashooyin xor ah, xalaal ah, oo loo dhan yahay, taas oo ay ka qeybgalayaan tirada ugu badan ee ka qeybgalayaasha doorashada Soomaaliya tan iyo dagaalladii sokeeye. Doorashooyinkani waxay udub-dhexaad u yihiin ilaalinta xuquuqda iyo rabitaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed.” ayaa ka mid ahaa khudbadda Farmaajo u jeediyey fadhiga Golaha Guud ee Q/Midoobay.
HOOS KA AKHRISO KHUDBADDA OO QORAAL AH
HOOS KA DAAWO KHUDBADDA