Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay toogasho ku dileen oday dhaqameed nabadoon ahaa oo degan degmada Dharkeynley ee G/Banaadir.
Dilka ayaa waxaa fuliyey laba nin oo ku hubeysnaa bistoolado, iyadoo ay goobta ka baxsadeen dilka kadib, waxaana odayga la dilay magaciisa lagu sheegay Ibraahim Cali Xasan, wuxuuna ka mid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Dilka odayga waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna dilku ka mid ahaa falal dilal qorsheysan lagu khaarijiyey dad fara badan oo joogto uga dhaca caasimadda Soomaaliya.
Ciidamada amniga ayaa gaaray goobta dilka ka dhacay xalay, iyagoo saann ku guuleysan in ay gacanta ku dhigaan dableydii falkaasi geysatay.