Odayaal ka tirsan mid ka mida beelaha Muqdisho ayaa ku eedeeyay ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA ay dil u geysteen wiil 17 sano jir ah oo Darawal ka ahaa Mooto Bajaaj, kadibna ay ka dhaceen mootadaasi.
Odayaasha oo kasoo jeeda Beesha Murusade ayaa sheegay in 7-da bishan Disembar 019 la dilay wiilkooda oo lagu magacaabi jiray Nuur Cumar Xasan, iyadoo laga dhacay Mootadii uu watay, kadibna ay meydkiisa soo qaadeen ayna geeyeen CID-da, halkaaso feyl looga furay, dacwadna ay fureen, iyagoo aan ogeyn cidda dishay iyo sababta loo dilay.
Odayaasha ayaa sheegay in 23-kii bishan Trebuunka ay Trebuunka ka qabteen Mootadoodiim dadkii lagu qabtayna ay noqdeen laba xubnood oo ka tirsan NISA iyo qof shacab ah, kadibna lagu xiray xarunta CID-da si baaritaan loogu sameeyo, balse ay dhacday in xubnihii kiiska loo xiray ee lagu qabtay mootada ay la baxeen ciidamo ka tirsan NISA oo CID-da tegay xalay, lana sheegay inay geeyeen Godka Jilacow.
“Waxaan rabnaa haddii aan cadaalad la helin wadanku degi maayo, niman nabadsugid sheeganaa ayaa wiilkeeda dilay, mootadiina ka dhacay, markii aan dacweynay nabadsugidda qaar ka mida ayaa soo duulay oo raggii la baxay.. sidaas haddii loo shaqeeyo dhib soo kordhay waaye..” ayuu yiri Nabadoonka ka mida odayaasha u hadlay ehelada Marxuumka la dilay, wuxuuna ka dalbaday madaxda dowladda cadaalad iyo inay arrintan soo farageliyaan.
Waa kiiskii saddexaad ee ciidmada dowladda lagu soo eedeeyo inay falal dil ah ka geysteen magaalada Muqdisho, iyadoo ay sii kordhayaan falalka ciidamada dowladda ee kala duwan kula kacayaan dadka Muqdisho.