Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha Muqdisho ayaa si weyn u difaacay Guddoomiyaha G/bananadir Taabit Cabdi Maxamed.
Odayaasha ayaa walaac ka muujiyey Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha oo ku saabsanaa ilalainta Hantida Qaranka. Bayaan ka soo baxay Odayaasha dhaqanka oo ka koobnaa dhowr qodobo ayaa isugu jiray fariin iyo digniin culus, waxaana xubnaha ku saxiixnaa ka mid ahaa Duubabka dhaqanka sida Imaam Maxamed Yuusuf, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo odayaal kale ayaa waxay fariin ugu direen Madaxweynaha, iyagoo xusuusiyay in hantida qaranka ay taallo dalka oo dhan.
Shir socday 7 saacadood oo xalay ka dhacay Muqdisho ayaa laga soo saaray bayaan madaxda sare looggu sheegaayo iney waajib tahay inuu qabsoomo shirka looga tashanaayo aayaha gobalka Banaadir.
Odaayashu waxey bayaankoodda uga hadleen warqadii ka hadleysay dhulka danta guud ee kasoo baxday Villa Somalia, shirka dhowaan ka dhici doona Muqdisho iyo dhismaha Gudi odayaal iyo waxgarad isugu jira oo ka taliya masiirka iyo mustaqbalka gobalka Banaadir.
Halkan hoose ka akhriso war murtiyeedka