Shir ay isugu yimaadeen odayaasha Dhaqanka Beelaha Muqdisho qaarkood ayaa maanta gelinkii danbe ka dhacay magaalada Muqdisho.
Shirka oo ay kasoo muuqdeen Imaam Imaam Maxamed Yuusuf, Maxamuud Cali Ugaas iyo odayaal kale ayaa ka hadlay xaaladda Muqdisho iyo dhibaatooyinka lagu hayo Bajaajleyda oo askarta dowladda ay dil ku hayaan, waxayna dalbadeen in sharciga la hor keeno askartaasi.
Odayaasha ayaa sheegay inaan la aqbali karin fowdo iyo qas la abuuro oo aan la abuurin qas iyo bililiqo, ayna khalad tahay in falal kharbudaad ah la sameeyo, iyagoo dowladda kula xisaabtami doono dhibaatooyinka askarteeda geysato.
Imaam Maxamed Yuusuf ayaa faray dowladda Federaalka inay sharciga hor keento askariga dilka geystay, wuxuuna ku baaqay shirweyne looga hadlayo xaaladda magaalada Muqdisho, isagoo intaas ku daray in bannaanbax iyo dhagax tuuris aysan waxba ku soo kordheynin.
Wararka qaar ayaa sheegay in odayaashan oo taageersan dowladda Federaalka ay soo abaabushay dowaldda, isla markaana ujeedkoodu yahay inay xaaladda dejiyaan xilli uu Maadxweyne Farmaajo jeediyey khubad kulul, isagoo weerar ku qaaday siyaasiyiin qabyaalad ku shaqeeya iyo Alshabaab ku dhex dhuumaya dadka bannaanbaxyada sharci darrada ah ka dhigay Muqdisho sida uu yiri.
HOOS KA DAAWO