Monday, June 23, 2025

Odayaasha Dhaqanka Rasmiga ah oo ku Amray Madasha Wadatashiga inay la noqoto Habraacii Doorashada

Duubabka Dhaqanka Soomaaliyeed ee rasmiga ah, soona dhisay dowladda Federaalka ayaa ka hor yimid Habraacii Doorashada Golaha Shacabka ee ay soo saareen Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal ay maanta August, 25-2021 kasoo saareen Muqdisho ayey ku sheegeen in Madaxda dhaqanka Soomaaliya/Dubabkaay yihiin hay’adda marjaca ugu sareeya hay’adaha dowladda Soomaaliya, isla markaana Madaxda dhaqanka ay soo xulaan xubnaha Baarlamaanka, xildhibaanada ay isimadu soo xuleenna ay soo doortaan Madaxweynaha, sharciyadiisana ku helo xildhibaanada ay soo xuleen Madax-dhaqameedyada.

“Waxaa nasiibdarro ah oo arin la yaab leh noqotay in si baalmarsan shuruucda iyo curfiga wadanka u yaal, si aan gabbasho iyo sariigasho toona laheyn layskugu dayo in lagu tirtiro kaalintii Duubabaka oo laysku qanciyo in maanta laga tallaabsan karo” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka Odayaasha.

Ad

Duubabka Soomaaliyeed waxay soo saareen tallooyin soo socda:

1- Duubabaka xaqa u leh inay soo xulaan 5-ta qof ee soo xulaya Ergada 101-da ka kooban ee dooranaya Xildhibaanada Barlamaanka ; oday dhaqameedyadaasna waa 135-kii isin ee horey loo ansixiyey saxiixayaashana ka ahad doorashooyinkii hore, intii kale oo ka mid ah odoyaasha dhaqankana ay kula mideysnaayeen.

2- Madaama weli aan loo gudbin doorasho dadweyne “Qof iyo cod” ah oo uu hab-qeybsigu wali beeleysan yahay, awoodda soo xulista xubnaha matalaya beelaha waxaa leh madaxda dhaqanka, lug kuma yeelan karo masuul iyo maamul siyaasadeed. Ciddii isku dayda inay si hareer marsan shuruucda iyo curfiga wadanka u baalmaraan waa mid sinnaba aan looga aqbaleyn meelna gaareyn, waxayna isimadu/odayaasha dhaqanka awood u leeyihiin inay go’aan ka gaaraan.

- Advertisement -

3- Waxaan fareynaa Madasha Wadatashiga Qaranka (MWQ) inay dhamaan dib ugu noqdaan qodobada habraacoodil, gaar ahaan kuwa dhaqaalaha lagu xukumay ergada waa xaqoodii doorasho.

4- Waxaan kula talineynaa dhamaan dhinacyada siyaasadda in loo hogaansamo heshiiyadii hore, damac iyo dano-shaqsiyeed aan wadanka halis loo galin, oo tabtaas oo kale horey u keentay dhibtii la soo maray.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON