Wednesday, June 25, 2025

Odayaasha Hiiraan oo ka hor yimid Guddiga Doorashada 2016 ee la magacaabay

Odayaasha Gobolka Hiiraan ayaa Magaalada Baladweyne uga dhawaaqay maanta inay ka horjeedaan Guddiga Doorashada heer Federaal oo madaxweyne Xasan Sheekh uu dhowaan magacaabay, waxaana kulan ay isugu yimaadeen Odayaal dhaqameed, waxgarad, iyo siyaasiyiin ay sheegeen inaysan Gobolkooda cidna u meteleynin Guddigaasi.

“Xasan Sheekh Maxamuud waa nin raba inuu soo laabto, wuxuuna duurka kasoo uruursanayaa dad, annaga waan kasoo horjeednaa 22-ka qofood ee lagu magacaabay guddiga doorashooyinka, haddii aynu nahay reer Hiiraan cidna naguma matasho guddigaasi, nin Wardhiigley jooga ma meteli karo Hiiraan…” ayaa yiri mid  odayaasha shirka jaraa’id ka hadlay.

Guddiga Doorashada ee  uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ka mida Xubin kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, iyadoo xubintaasina uu magacaabay madaxweynaha iyadoo aan lagala tashan odayaasha Hiiraan oo horeba uga horjeeday siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON