Tuesday, June 24, 2025

Odayaasha Hiiraan oo ku dhawaaqay Maamul Goboleed ay dhisanayaan & Digniin

Kulan ay maanta  ku yeesheen magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan qaar ka mida Duubabka dhaqanka Hiiraan

ayaa looga dhawaaqay in maamul u gaara Gobolka Hiiraan ay dhisan doonaan Odayaashaasi.

Afhayeenka Duubabka dhaqanka ee taageersan in gobolka Hiiraan gooni isu taago Ugaas Cali Ugaas Muxumed Shafeec ayaa sheegay  in wada-tashiyou socday duubabka kadib ay go’aansadeen in la bilaano dhismaha dowlad gobolleedka Hiiraan kadib marka la caleemo saaro Ugaas Xasan.

Afhayeenka ayaa ugu baaqay IGAD inay aqbalaan go’aanka duubabka  gobolka Hiiraan ee ah in gobolkoodu yahay laba gobol, ayna aqoonsadaan maamulkooda.

Dhinaca kale wuxuu uga dowlada Federaalka Soomaaliya uga digay faragelin uu sheegay inay ku heyso soo xulista xildhibaanada Gobolka Hiiraan ee ka mid noqonaya Aqalada sare iyo hoose ee Baarlamaanka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON