Kursigii habaarka dhaliyay ee lagu heysto RW Rooble iyo Musharax C/kariin Guuleed oo ka mida
Guddiga doorashada Banaadiriga ayaa shaaciyey Liiska Guddiyada soo xulista ee shanta kursi ee beelaha Banaadiriga, waxaana mid ka mida kursiga HOP034 oo uu hareeyay muran gaaray in la gabaaro Ra’iisal wasaare Rooble iyo Musharx C/kariin Guuleed.
Kursiga HOP034 oo ay hore ugu heysatay beesha Reer Faqi ayaa hadda loo wareejiyay Beesha Reer Sheekh, waxaana laga dhigay qoonde haween, iyadoo la sheegay in loo xiray Haweeneyda Safiirka ah ee Soomaaliya u fadhida dalka Pakistan Khadiija Al-Makhzoumi oo dhinaca kale ah Xaaska Musharax C/kariin Xuseen Guuleed.
Odyaasha la shaaciyey ee soo xulaya kuraasta Banaadiriga ayaa waxaa ka mida odayaasha Beesha Reer Sheekh, taasoo cadddeyn u ah in Guddiga Doorashada iyo dhinaca saameynta ku lah ay ku adkeysteen in kursiga HOP034 uu ku socdo sida loo qorsheeyay.
AKHRISO LIISKA ODAYAASHA


