Dabley hubeysan ayaa xalay nin oday ah ku dilay agagaarka xarunta degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
Koox Bistoolado ku hubeysan ayaa toogtay Nin Oday ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xeyle Juuni, waxayna goobta ka baxsadeen, kadib markii falka dilka ah kula kaceen.
Alshabaab ayaa sheegtay dilka Maxamed Xeyle oo Odayga lagu dilay degmada Howlwadaag, waxayna ku eedeeyay inuu ka tirsanaa ka tirsanaa Saraakiisha maamulka ee Degmada Howlwadaag.
Waa Odaygii labaad e muddo 24 saac gudaheed ah lagu dilo caasimadda Muqdisho, iyado sidoo kale koox hubeysan ay degmada Kaxda ku dishay nabadoon iyo abwaan Bedel Xersi.
Dhinaca kale dabley hubeysan ayaa magaalada Laascaanood ee ay maamusho Somaliland ku dishay nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Cabdulaahi Daroor (Jeeri).
Maxamed Jeeri ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dhalinyarada ugu firfircoon Gobolka Sool, isagoo ahaa oo ahaa Isu-duwihii Guddiga Qandaraasyada Somaliland ee Gobolka Sool. Lama oga sababta dilkiisa keentay.

