Maamulka Gobolka Banaadir ayaa magaalada Muqdisho ka ururiyey Mootooyinka Dhugdhugleyda ah, waxaana howlgal lagu qaaday muddo 48 saacadood ah lagu qabtay in ka badan 600 Mooto oo u badan nooca VECO.
Ujeedada ka danbeysa ololaha lagu qaaday mootoooyinkaasi ayuu maamulka G/Banaadir ku sheegay inay sabab u ahaayeen amni darrada magaalada Muqdisho, iyadoo aanay wado ka xirneyn, isla markaana sharciyadooda aysan sax ahayn, sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka G/Banaadir.Maxamed Cabdullaahi Tuulax.
Mootooyinka ayaa lagu eedeeyay inaysan qaarkood lahayn taargooyin sax ah, isla markaana laga rabo inay milkiilayaasha Mootooyinka fuliyaan qodobo ay ka mid yihiin:
1- Inay is diiwaan geliyaan oo damiin sameystaan
2- Inay faro looga qaado CID-da
3- Inay sharci u sameystaan Mootooyinka
HOOS KA DHAGEYSO