Thursday, June 26, 2025

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar: “Saamiga 19% ee Itoobiya laga siiyey Dekadda Berbera waa Baad..” [Daawo Wareysi xiiso leh]

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey faragelinta Imaaraadka Carabta ku hayo Soomaaliya iyo saamiga dowlada Itoobiya laga siiyey dekadda Berbara.

Isagoo wareysi siiyay Telefishanka Universal ayuu sheegay inay la layaab ku noqotay in dowlada Ethiopia 19%  ku yeelato dakhliga kasoo xaroonaya dekada Berbera. Wuxuuna yiri: “Shacbiga Hargeysow bal weeydiiya maxey ku muteysatay Ethiopia saamiga intaa la eg..? weligeed lama maqal lamana arag in dowladi dowlad kale kula share garoowdo ileheeda dhaqaalaha iyadoonan maalgashi ku sameeysan..”

“Imaaraadku wuxuu faragelin ba’an ku hayaa madax bannaanida Soomaaliya, hase ahaatee waxaa iiga daran Qolooyinkan Xamar jooga ee fulin iyo Baarlamaanba leh ee aanaanba garaneyn halkeey ku socdaan, bal Xasan Cali kheeyre maxaa geeyay Imaaraadka..? aIyadoo halkaas heshiiska lagu saxiixayey?… Ayuu yiri Prof. Cabdi Ismacil Samatar oo sheegay in dowladda Xamar joogtaa ay tahay mid huruda oo aan wax mas’uuliyad ah qaadi karin.

Wuxuu ku sifeeyay saamiga 19% ee Itoobiya laga siiyey Dekadda Berbera inuu yahay Baad ay Itoobiya qaadaneyso oo lagu xadgudbay dadka Somaliland ku nool.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON