Thursday, June 26, 2025

Prof. Cabdi Ismaciil Samatar & Shirwac oo lagu daray Guddiga cusub ee Anshaxa Doorashada

Guddi ka kooban 9 xubnood oo loo magacabay inay noqdaan Guddiga Anshaxa iyo Asluub wanaagga Doorasahda Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wax ka dhex muuqda aqoonyahano caan ah oo ururada bulshada ka tirsan.

Xubnaha Guddigan ku jira waxaa kamida Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Prof. C/llaahi Maxamed Shirwac oo si weyn wax ugu sheegi jiray nidaamka doorashada iyo hab dhaqanka dowaldda Federaalka.

Wareegtada ayaa waxa ku saxiixnaa guddoomiyaha Baarlamaanka waxaana lagu qeexay shaqada Guddigan qabanayo oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo Doorasho loo sameeyo.

Waxaa Aqoonyahanadan ku wehliya xubno kale oo ay ka mid yihiin: Prof. Cabdi Axmed Baafom Faadumo Jibriil  iyo xubno kale oo caan ah, waxaana howshooda u muuqataa inay tahay wargelinta Guddoonka baarlamaanka iyo warbixin ka diyaarinta bedqabka Doorashada madaxweynaha.

Waxaa xusid muran in Faadumo Qaasim Dayib oo hore uga mid ahayd musharixiinta balse ka baxday ay ka mid tahay Guddigan Anshaxa Doorashada.

Guddigan ayaan u muuqan mid awood leh oo wax ka bedeli kara haddiiba ay dhacdo sharci darro iyo laaluush lagu galo doorashada, waxaana yaabaa inay magac ahaan muhiim u yihiin marka laga soo tago waxqabad.

Goobkooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON