Friday, June 27, 2025

Prof. Cabdi Ismacil: “Farmajo waa inuu kala doortaa inuu yahay Kaabo-qabiil Gobol ama Madaxweyne Qaran”

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mida aqoonyahanadda caanka ah ee Soomaalida ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee dalka iyo waxa laga sugayo Madaxweynaha xilka kasii dhammaanayo ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wuxuu sheegay in siyaasiyiinta xilligan ay isku hayaan dantooda gaarka ah oo kaliya, iyadoo dhibaato xoog leh dadkii ay heysato, wuxuuna si toos ah uga hadlay arrinta ka taagan Gobolka Gedo iyo sidii ay Doorasho uga dhici lahayd.

“Saddexda Arrin ee la isku hayo.. waa wax la xalin karo.. Arrinta gedo Madaxweynuhu waa inuu kala doorto inuu yahay Kaabo-qabiil Gobol kasoo jeeda iyo inuu yahay Madaxweyne Qaran.. waa in sida loo dhaqmayo Puntlandiyo maamullada kale loola dhaqmaa..” ayuu yiri Prof. Cabdi Ismacil oo ka qeyb galay doodii Jimcaha ee BBC-da.

Mar uu ka hadlay arrinta Somaliland ayuu ku dooday in looga danbeeyo Guddoomiyaha Aqalka Sare oo aysan suuragal ahayn in la yiraahdo inuu ku lug yeesho Ra’iisal wasare ku xigeenka, sida Ra’iisal wasaare Rooble aanay qeyb uga noqon karin Doorashda ka dhaceysa Galmudug, arrintaasina ay muujineyso inuusan madaxweyne Farmaajo daacad ka ahayn midnimada iyo xaqa dadka waqooyigu leeyihiin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON