Tuesday, June 24, 2025

Prof. Cali Khaliif oo socdaal qarsoodu oo dhinaca dhulka ah ku gaaray magaalada Hargeysa

Cali Khaliif Galeyr oo shalay loo diiday inuu ka dhoofo magaalada xarunta u ah maamulkiisa ee Buuhoodle ayaa safar dhulka ugu socdaalay magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in Cali Khaliif ay isku dhaceen maleeshiyada maamulkiisa oo si weyn uga horjeeda isbedelka siyaasadeed iyo heshiiska uu la galay Somaliland, waxayna diideen inuu ka baxo Buuhoodle

Cali Khaliif oo madaxweyne u ah maamulka Khaatumo ayaa si qarsoodi ah safarkiisa u wareejiyay dhinaca dhulka, waana markii ugu horeysay ee uu ku dhex socdaalo dhulka ay ka taliso Somaliland.

Waxaa la xaqiijiyay in Cali Khaliif uu gaaray magaalada Burco aroortii, isla markaana halkaasi soo dhoweyn loogu sameeyay isagoo kadibna u sii gudbay magaalada Hargeysa, halkaasoo uu goor dhoweyd gaaray.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON