Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ka hor yimid in Baarlamaanka Federaalka uu wax ka bedel ku sameeyo heshiiska Doorashada 2016 ee ay gaareen Madaxda Madasha Qaran oo ka kooban maamulada dalka iyo madaxda dowladda Federaalka.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay Khamiistii inuusan Baarlamaanka Federaalka Xaq u lahayn wax ka bedel lagu sameeyo Heshiiska, isla markaana waxaa lagu eedeeyay guddoonka Baarlamaanka iyo qaar ka mida xildhibaanada inay wadaan arrimo ka horjeeda danta Soomaaliyeed.
Dhinaca kale xildhibaano ka tirsan Guddiga Baarlamaanku u saaray dib u eegista heshiiska ayaa beeniyay in faragelin ku hayaan heshiiska doorashada ee Madasha Qaran iyagoo ku dooday inay sharci ka dhigayaan, isla markaana ka saxayaan wixii khaladaad ah.
Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud oo ka mid ah Guddiga ayaa sheegay in heshiiskaasi ay ku jiraan khaladaad Baarkamaanka Soomaaliyana uu sixi doono si loo helo wax la isku wada raacsan yahay oo ummadda Soomaaliyeed dan u ah.
Xildhibaan Maryan Cariif oo iyaduna ka mida Guddiga dib u eegista ka mid ah ayaa sheegtay in Guddiga uusan wax faragalin ah ku hayn Heshiiska, balse waxa loogu diray ay tahay in kaladaadka ku jira la isla arko iyadoo talo wadaag la yahayna la wada saxo.
Lama oga sababta Puntland keligeed u difaaceyso heshiiska ay wada gaareen maamulada dalka ka jira iyo dowladda Federaalka, waxaase la rumeysan yahay inay dan gaara ka dhex aragto Puntalnd, iyadoo la siiyay sed bursi ku saabsan tirada Aqalka Sare ee Baarlamaanka.
AKHRI QORAALKA PUNTLAND
Goobjooge.com