Monday, June 23, 2025

Puntland iyo Jubbaland oo qaadacay Shir Guddi farsamo uga furmay Muqdisho iyo Xog laga helay cidda wadata

Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa qaadacay shir qeyb ka mida Guddiga Farsamada Doorashooyinka uga furmay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad ayaa sheegay inaysan wax war ka heyn shir u furmay Guddi farsamo, balse ay sugayaan shirkii lagu balansanaa. “”Ma jiro wax shir horudhac ah ee arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo ka furmay Mogadishu, welina waxaa laga dhursugayaa in shirkii lagu balansanaa laysugu yimaado si dhaqso ah”. ayuu yiri wasiirka oo ka mida ahaa xubnaha Puntland ee ka mida haa Guddiga Farsamada ee ku shiray Baydhaba.

Dhinaca kale wasiiru dowlaha arrimaha Gudaha Jubbaland Xersi Gaani ayaa iska sheegay inaysan Jubbaland ka war heyn shir guddi farsamo u furmay iyo shir uu hordhac u yahay midna, qeybna aysan ka ahayn.

Shirka Hotel Decale ee la sheegay inuu u furmay Guddiga Farsmada heer wasiir ayaa xogta la helay sheegeysaa inay abaabushay Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland, isla markaana uu yahay qorshe cusub oo xaalad lagu abuurayo.

Shirka Decale waxaa ka dhex muuqda xubno ka socda Xukuumadda, Gobolka Banaadir, Hirshabelle iyo K/Galbeed, iyadoo ay ka maqan yihiin Jubbaland iyo Puntland oo qaadacay iyo Galmudugoo la sheegay inuu wakiil u joogay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON